Gurmad Aan Dhaafin Gacmaha Qandaraas Layaasha.


Sawirku waa humaag hore oo laga qaaday nin xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah oo ay abaaru saameysay.







Deeqaha Gurmadka ah Ee Dadka Abaarahu Saameeyeen Loogu Tala Galay Magaca Waa Ka Gargaar Bini'aadanimo, Ficilkase Waa Ka Jiifka Hoteelada Qandaraaslayaasha Iyo Nolol Maal Meedka Inta Gacanta Kulajirta. 

Xili roobaadka hada lagu jiro ee Dayrta wuu ka soo taahay xiligii la rabay inuu bolowdo wilina gobalada qaar tiix kuma dhihin halka uu meelaha qaar raadka mariyay roobka Deyrtu. Gugii hore Roobku wuxuu ahaa luuf luuf ama roob yari ayaa ka jirtay guud ahaan wadanka, sidaas oo ay tahay Ayax ayaa usii dheeraa oo wixii soo baxay xaalufiyay. Sanadkaan Deyrtii oo soo daahday durba xoolihii waxaa ay bilaabeen in ay duuqaan halka qaar ayba dhinteen, jiilaalka oo ku dheeraaday owgeeda dadkiina wuxuu bilaabay gurmad kii qeyla dhaanta.

Abaartii 2011 ee u danbeysay abaaraha dalkeena soomaray dadkii reer Miyiga ahaa waa ku xoolalo beeleen magaalooyinka ayeeyna u soo habaabeen oo ay wili qaxooti ku yihiin halka qaar kalana ay ku dul nool yihiin qoysas kale; maxaa sababay in Somalia ay abaar ka dhacdo 10kii sanaba mar? 2011kii iyo hada oo aan joogno 2021 waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn, sanadkiii 2011 maciishadu waxaa ay ahayd mid degan oo aad u raqiis ah, sidoo kale dadku waxaa ay heysteen dhaqaale oo Forex lama tegin dhaqaalihii wadanka, sidoo kale ma jirin cudurka COVID19.

Maanta, 2021 waxaa dunida saameyn xun ku yeeshay cudurka safmarka ah ee COVID19, Somalia waxaa u sii dheer dhaqaale dari, iyo maciishada qutul daruuriga ah oo aad u qiima sareysa. Somalia oo ay dadkeedu u badan yihiin reer guuraa xoolo dhaqato ah, waxaa ay sugaan sanadkii laba xili roobaad oo Gu' iyo Deyr kala ah, sidoo kale waxaa jira Xagaa iyo Jiilaal oo iyana laba xili ah. Sanadka oo sidaas ku dhaafa dadka Somalida ah xoolaha ay heystaan ama dhaqdaan uma keydiyaan calaf ay cunaan xiliga jiilaalka ee hadba meeshii deegaan roon ayeey la aadaan, hadii deegaan ama coos (calafka xoolaha) ay xooluhu cunaan la waayana waa abaar oo xooluhu waa duuqaan dadkuna waa haboow. 

Haatan Somalia malahn wasaarad si rasmi ah uga shaqeysa hormartida reer miyiga, sanadahaan danbana lama sugayo oo miyi intaan leysla gaarin waxaa maaro loo la'yahay magaalooyinkii oo qorshayaal hormarin ah loo sameyn waayay, hadii ay sidaan ku sii socoto oo ay abaarubu soo noq noqdaan dadkii reer miyiga ahaana magaalooyinka u soo haajiraan maxaa dhacaya?  

Dad aan dawlad nidaamisa lahayn ee u dhaqma sida xayawaanada duur joogta ah ee midba midkuu ka xoog roonyahay legda markii ay magaalada soo galaan maxaa ku dhacaya amniga, iyo dhaqaalaha? Reer miyigu waxaa ay u baahanyihiin hormarin dhinacyo badan; waxaa ay u baahanyihiin in la baro habka loo beero loona keydiyo calafka xoolaha iyo qalabkii ay u adeegsan lahaayeen hadii ay ahaan lahayd mashiino iyo ceel biyoodyo, waxaa ay u baahnyihiin caafimaad u dhow, iyo wax barasho in ay u helaan ubad kooda si ay ugu nagaadaan deeganadooda, sida muuqatse taasi maahan mid suura geli karta qarnigaan aan ku jirno.

Xukuumada xilgaarsiinta waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday gurmad lagu samata bixinayo dadka, duunyo warkeed majiree! Ururada bulshada iyo shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay iyana waxaa ay bilaabeen in ay dhaqaale gurmad ah bixiyaan. 90% waxaan hubnaa oo aan wada ognahay dhaqaalahasi in uusan gaareynin dadkii u baahnaa oo ay qandaraas layaal hoteelo ku jiifaan, kana dhigtaan nolol maal meed iska caadi ah! Hadii gurmadkii qandaraas layaal wadada u istaagaan dawladiina aysan masuuliyad iska saarin sidii loo hormarin lahaa umada Soomaaliyeed ee abaaruhu ku soo noq noq deen maxaa u danbeyn doona umada Soomaaliyeed? 


 Bile Abdullahi Turyare
Sheeka daan waan qoray 20/10/2021. 

Comments

Popular posts from this blog

Guursame Ma Geelbaa?