KUFSIGA
![]() |
Umadaha dunidaan ku nool waxaan marnaba laga taftiri karin in ay danbi iyo fal danbiyeedyo sameeyaan. Faldanbiyeed nuuc kasta oo uu ahaadana wuxuu leeyahay ciqaab iyo shuruuc adag oo jawaab looga dhigo si aysan dadku ugu dhiiran hadii xitaa balan qaad maaliyadeed loo sameeyo inta noloshooda ka dhiman.
Kufsiga lagula kaco haweenka maahan mid ugub ah oo waa dhibaato soo taagneed qarniyo. Soomaalida dowlad la'aanta ahayd sanado badan wilina aan heyn dawlad ilaalisa xuquuqda uu leeyahay muwaadin lagula kacay faldanbiyeed nuuc kasta ha ahaadee waxaa ka yaala xeer iyo xugun wax la yiraahdo oo ay dejiyeen xeer beegti. Xeer beegtidu waa rag odayaal ah oo ka soo kala jeeda labada qolo oo ay gartu u dhexeyso, ku waa oo bedelay nidaamkii max kamadaha; marka ay arin danbi ah dhacdo Soomaaliya isla markiiba max kamad lama aado ee waxaa la raadiyaa odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada qolo si ay garta ugu xaliyaan xeer iyo xugun wixii dhax yaalay labada qolo, waa nidaam qalafsan oo hor istaagay cadaaladii waxaana sababay dawlad la aanta.
Kufsi lagula kacay gabar Sida aan horay u soo xusnay maahan wax ugub ah. Xeer ayaa ka ayaala Soomaaliya dhax deeda, kaas oo aan qorneyn. Gabar marka uu kufsado wiil lana xaqiijiyo in uu dhacay kufsigaasi isla markiiba waxaa si deg deg ah u wada fadhiista gogol labada qolo ee dhibtu dhax taalo. Gabar la kufsaday waxaa ka yaala xeer, kaas oo ah "Maro iyo Mahar" inta badan waxaase dhacda mararka qaar in uu falkaasi dhaliyo dagaal dhiig badani ku daato oo u dhxeeya laba dhinac. Sida xeerkaasu uu dhigayo cida kufsiga geysatay waxaa laga qaadaa laba iyo toban neef (12) oo ari ah iyo lacag xil iyo xumeyn ah. Intuba maahan wax ku qoron kitaab ka Alle, waase xeer iyo xugun ay xeerbeegti asteeyeen oo ka hiilinaya xuquuqda gabdhaha iyo sharafta qoyska Soomaaliyeed. Gabar la kufsaday xeerkaas ayey Soomaali ku xalin jirtay wiligeed!
Xiliyadaan danbe waxaa soo baxday arin Soomaalida dhaxdeeda ugub ka ah, taas oo ah in la kufsado ama la kufsaday wiilasha! Wax xeer iyo xugun ah oo taas ka yaalo haba yaraatee ma jiraan Soomaalida dhaxdeeda, balse Diinta Islaamka ayaa go'aan ka gaartay lawada ogyahay labada dhinacba.Aan kala saarno galmo xoog ah iyo mid raali la isaga wada yahay, taas oo ah qodobka dooda ka dhaliyay gudaha Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya (BFS). Galmada xooga ah waa mida keentay dacwada iyo dooda, balse tii raali leysaga wada ahaa cida ay doonto ha u dhexeysee dood kama taagno, waase macaasi aan banaaneyn, balse ay baneysteen laba qof yo wixii ka badan oo heshiiyay. Galmada mida raali leysaga wada yahay ma waxaa lagu sameynayaa meel caam ah oo ay dadka dhami wada arkayaan? Hadii meel caam ah oo ay dadku ar kayaan lagu sameeyo galmo raali ay iskaaga wada yihiin labada dhinaca maxaa dhacaya?
Waa qodobka uu Cabdi Muudey tiirka ka dhigtay, wuxuu ku soo cel celiyay "galmo raali leysaga wada yahay ma fasaxeynaa, baarlamaaka hortiisa halagu sameeyo miyaan leenahay? Umad muslim ah kama suurta galeyso in ay raali kawada noqdaan laba qof oo iskuugu galmoonaya meel banaan oo caam ah, ku waas oo hadana kala sineysanaya bal kuwa is qaba ayaanba loo ogoleyne. Sharciga la horkeenay BFS waa mid aad u jilicsan oo aan direynin fariin adag balse fudueynaya in ay ku dhiiradaan danbiilayaashu falalka nuucaas ah, Kufsiga. Waxaa waajib ah in la helo sharci adag oo ay ka cabsadaan dadka damca arimahaan kufsiga ah.
Muudey wuxuu ka tilaabsaday kiiska dooda asiga oo tiir ka dhigtay in ay ragu isku tagaan miyaan fasaxnaa, maxay tahay Futada aad ku soo qorteen meesha!! Rag isku galmoodo inta meel iska dhigo BFS ha garto hana ka hortago kiiska taagan oo sharci adag haka soo saaro kufsiga loo geysanayo wiilasha iyo gabdha Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo sharafta, diinta, iyo dhaqanka suuban ee Soomaida.Ugu danbeyn. Faraxumeynta loo geysto wiil ama nin rag ah maxay tahay xeerka ka yaala? Magaca loo bixinayo arinkaas ma kufsibaa? Waa maxaay talaabada xigta ee BFS hortaala si loo xakameeyo arinkaan soo noq noqday?
Faaladaan waxaan qoray 16/9/2020@Tuuryare
Comments
Post a Comment