Labadii cadow ee wadada; Soomaaliya dhaxdeeda xuduudo ka daran!!

Subax jimca ah 7dii Aug 2020 waxaan u amba baxay safar shaqo oo ku wajahnaa bartama Soomaaliya. In kastoo aan safar ahay hadana waxaan masuul ka ahaa gaari xamuul ah oo ah kan loo garan ogyahay TM-ka. Wuxuu u raran yahay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, Galguduud. Waxaan badeeco u wadnaa dad reer Miyi ah oo wax ay heystaan aysan jirin haba yaraatee oo dhaqaale ah.
Darawalka gaariga ayaan ku balanay in uu dhaqaajiyo gaariga subaxda hore ee Jimcaha marka ay saacadu tahay 6:00am. Sida balanku ahaa subixii hore ayaan dhaqaaqnay. Laanta suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa iga qaadatay lacag dhan $4 oo u dhiganta 100 Sh.so ah. waxaan afka saarnay wado sodonkii sano ee la soo dhaafay aan god laga duugin in god laga qodo maahane. Dhib uma arko waxaan wataa gaari loogu tala galay in uu buuraha ka talaabo.
Galgalato meel ka sukeysa ayaa waxaa leygu yiri waxaa lagaa rabaa 200 Sh.so ah oo u dhiganta $8. Waan ogaa in ay isbaaro tahay! isma dhibin waan iska dhiibay. Waan dhaqaajinay Galgalto ayaan gaarnay oo ah ciribka bari ee Gobalka Banaadir waxaa leygu amray in aan dhiibo 1,800 Sh.so ah oo u dhiganta $72 doolar, dood kama keenin mana ka keeni karo'e waan iska dhiibay. Waan dhaqaajinay markii aan 1KM soconay wilina aanan ka bexin Galgalato ayaa leygu amray in aan dhiibo 600 Sh.so ah oo u dhiganta $24 doolar dood kama keenin awoodna uma lihi in aan doode'e waan iska dhiibay.
Gobalka Banaadir ayaan ka baxnay markaas oo ku eg Galgalato. Waxaan fooda gelinay Hir Shabele. Safar keena ayaan sii wadanay waxaan gaarnay deegaanka Ceel Cade oo markaas laga galo maamulka Hir Shabeele. Gawaari ayaa taagan oo saf ku jira oo kuwa xamuul ah u badan. Waan istaagnay waxaa leygu amray in aan bixiyo 7,000 Sh.so ah oo u dhiganta $280 doolar ka mareykan ka ah. Dood kama jirto kamana keeni karo'e si dhaqsiya ayaan ku dhiibay! kadib wax ka yar hal kiilo mitir isla Ceel Cade dhexdiisa ayaa mar kale leygu amray in aan bixiyo 300 sh.soh taas oo u dhiganta $12 doolar sida caada ahaydba waan biixyay aniga oo wiliba mahadsnid ku siidaraya .
Wadada ayaan afka saarnay waxaan gaarnay Ceelmacaan. Isbaaro siweyn loo yaqaan oo lagu magacaabo "Isbaarada Maxamad Dheere" ayaan gaarnay, waxaa leygu amray in aan bixiyo 300 Sh.so ah oo u dhiganta $12 doolar waan bixiyay sida caadada ahayd ba. Waan sii dhaqaajinay waxaan dhax jibaaxnay dhulka geed la'aanta ah ee saxaraha ah laakiin Soomaalidu ay u taqaan 'deex', Waxba uma aragno gaariga aan wadanaa mayaqaan bacaad hase yeeshee waa god iyo buur oo sidii la doono looma socan karo. Goor ay casir liiq tahay saakana aan ka baxnay Muqdisho ayaan tagnay degmada Cadale. Waxaa sida caadada ahaydba leygu amray in aan gaariga ka soo dego iskana bixiyo 1,300 Sh.so ah oo u dhiganta $52 doolar, Waan iska dhiibay aniga oo aad ii maleyso in uu Alle ila hadlayo sida deg dega iyo dhaqsaha leh ee aan ku bixinayo lacagta. Lacag dhan 11,500 Sh.so ah oo u dhiganta $460 doolar ayaan ku dhiibay 132KM inta u dhexeysa. (Cadale iyo Muqdisho inta u dhexeysa)
Isbaarada taala G.Banaadir iyo inta ka dhexeysa Cadale oo ah isbaaro joogto ah waxaa iska leh hal nin oo lagu naaneyso "Saney". Dadku waxay ii sheegeen in aysan jirin cid kale oo isbaaro soo dhigan karto inta ka dhexeysa Moqdishu iyo Cadale qofkii isku dayana maalin cad nafta la dhaafinayo; Intaas ayaaba naxariis ah. Sidoo kale Saney waa ninka heysta ka ganacsiga Qaadka Muqdisho, Hada oo uu mamnuuc yahay qaadku asiga ayaa wakiil ka ah in uu ku soo gelbiyo ciidamo iyo baabuur meel kasta oo laga soo geliyo Muqdisho asiga ayaa maamula. Saney wuxuu leeyahay ciidamo qaas u ah iyo hub aad u tiro badan oo uu ugu diyaar garoobay nuuc kasta oo dagaal ah oo ku yimaada.
Waxaan ismaca salaameynay dawlad isku sheega Soomaaliya waxaan fooda gelinay meel ay ka taliyaan ururka Al-shabaab. Waxaan gaarnay xarunta Shabeelaha dhexe ay Al-shabaab ku leeyihiin, Masaajid Cali Guduud. Baakin ayaa la geliyay gaariga cidna nooma imaan nalagumana qasbin in aan gaariga joojino, balse qoortaada ayaa u maqan hadaad dhaafto koontoroolka, marka laguu naxariisto waa xarig maalmo ah iyo ganaax lacageed. Waan degay meel ay lacagta ku qaadaan Al-shaaab oo xero ah ayaan tegay, waxaa leygu amray in aan $370 doolar oo EVC Plus ah aan ku diro lambar la ii yeeriyay. Waxaa la ii jaray laba boono oo kala ah: 1- Lasocodka dhaq dhaqaaqa gaadiika oo ah $220 doolar. 2- Iyo mid ah la socodka dhaq dhaqaaqa badeecada oo ah $150 doolar.
Sida caadada u ah Al-shabaab lacagta waxaad bixineysaa oo kaliya gobal ka gobal. Tusaale ahaan marka aan Shabeelaha dhexe ku dhiibay lacagtaan ilaa iyo aan Galguduud ka tago lacag kale ma bixinayo. Waxay 100% ka wanaagsanyihiin mooryaanta dawlada oo 10KM ee kasta ay isbaaro u taalo. Sidoo kale inta aad Al-shabaab ku dhax socotid kama cabsaneysid wax tuugo ah habiin iyo maalin waa isku mid. Laakiin xili habiin ah adoo Xamar u soo socda sooma dhaafi kartid Masaajid Cali Guduud, ama Bashaqle. Sidoo kale suurta gal maahan in aaad xili habiin ah dhaafto Ceelmacaan cabsi laga qabo mooryaan baabuurta dhacdo darteed. Hadii aad dhaaftana waxaad u dhexeysaa labo uun mid kood: In aad bad baado ama in gaarigaaga ay tuugo qabsato. Hadii ay tuugo ku qabsato waxay sameynayaan marka ugu horeysa gabar wixii gaariga saaran waa ay kufsanayaan wixii kaloo fudud sida lacag, telefoon iyo dahabna hore ayey u qaadanayaan.
Marka aad Xamar ka baxdo sidaas ayaad la kulmeysaa. Sidoo kale marka aad u soo socoto Xamar hadii uu garigu kuu raranyahay Waxaad bixineysaa isla lacagta aad sii socodkii aad bixisay ama wax ka sareeya: Gaarigeygu marka uu soo socday wuxuu soo qaaday ari gaaraya 180 neef. Alshabaab Waxay iga qaateen $568 Doolar. Afar qeybood ayaa loo qeybiyaa gaariga TM ka ah marka ari la saarayo; Macna ahaan waa lakala xiraa: Afarta qaanadood ee gaariga midiiba waxaa leyga canshuuray $52+180 neef oo calaa neef leyga canshuuray $2 doolar. Taas oo la macna ah $208+$360 = $568 Doolar.
Guud ahaan lacagaha aan bixiyay sii socod iyo soo socodba waa sida tan: Al-shabaab wuxuu jeebka iga gashteen lacag dhan $938 doolar oo u dhiganta 23,450 Sh.so ah. Sidoo kale Mooryaan tuuteysan oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxay jeebka iga gashteen lacag dhan $920 Doolar oo u dhiganta 23,000 Sh.so ah. Taas oo marka leysku daro labada dhinac cadad keedu gaarayo $1858 Doolar oo u dhiganta Shiln Soomaali ahaan 46,450 Sh.som ah.
Run ahaantii marka aan qiimeyay safarkeygii ganacsi waxaan ku suganahay qasaaro! labada dhinac lacagta ay iga qaateen hadaan aniga iyo kuwa ila midka ah ay soo geli leheed safar kasta waxay ahaan leheed faa iido aad u weyn; Laakiin waxaan ogaaday in aanan shaqeysan oo aan cadow dhiig miirte ah u sheqeeyay. labada dhinacba waxaa ay heystaan umad iska joholo ah aan heysan cid u hadasho oo aan aqoonin cir iyo dhul meel ay aadaan. Waxaan go'aan saday in aanan gelin safar danbe oo ganacsi!, maxaa yeelay uma shaqeyn karo mooryaan aan diir naxa lahayn hadeysan sidaan wax muuqda iska bedelin.
Run ahaantii waxaan ahaa nin ku fir fircoon shqadiisa kuna kal soon awoodiisa iyo kartidiisa laakiin markii aan sameyay xisaab celin waxaan ogaaday in aanan sidaan ku shaqeyn karin sababtoo ah majirto sabab aan kusii shaqeyn karo. Ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo aan isku haleeyo, sidoo kale mooryaanta wadada fadhida kama sugayo in laga xoreeyo ama in ay isbaaro ka waan toobaan in ay soo bataan maahane; si doo kale uma jeedo dawlad Soomaaliyeed oo leh mustaqbal lagu dhiiran karo. Wadankaan asiga oo sidaan ah ayaan ku dhashay, asiga oo sidaan ah ayaan Jaamacad uga baxay, nafteyda kuma tijaabin karo nolol kale oo naf la caarinimo ah maxaa yeelay kuwa wadada fadhiya ee iga guranaya shilinka qofna kama xigto in ay si macno daro ah igu dilaan.
Waa faalo aan ka qoray safar gaaban oo aan galay 1/9/2020
E-mail: dalbille98@gmail.com
Comments
Post a Comment