Guursame Ma Geelbaa?

Tuuryare

Dunidaan aynu ku nool nahay ummadaha Muslimka ahi waa ay tarmaan iyaga oo u maraya guur iyo nikaax xalaal ah oo uu Alle baneeyay. Guurku waa tiirka koowaad ee uu qoys Islaam ahi ka billowdo. Asal ahaan Soomaalidu waa ummad u guri fariista gabdhaha iyaga oo ka bixinaya xoolo yardo iyo gabbaati ugu filan hadba gashaantida ay doonayaan.

Xoolaha gabar laga bixiyaa waa ay ka la duwanyihiin waxaase ugu muhiimsan markaa geela, gammaanka, iyo qoriga! Geelu waa midka ugu qaalisan duunyada soofta oo ay Soomaalidu dhaqato. Gammaankana Soomaalidii hore waxa ay u adeegsan jireen gaadiid iyo xarrago ahaan wuxa uuna in muddo ah ahaa midka ugu dheereeya gaadiidkii ay ku sadcaali jireen.
Soomaalidu geela waa ay kala dhici jirtay haddii nin tolka ah laga dhacana waa ay la soo dhicin jireen, nimaan wiilal gaashaan qaadyo ah dhalin oo aan qori beerlaab ah heysan waxba uma aysan jirin dharaar cad in xeradiisa la mariyo sidaasna uu ku ceyrtoobo, sidaas darteed ayuu muhiim u noqday qorigu oo markii gabar geel laga dhiibo loo raacin jiray gumucii lagu difaaci lahaa tuluddaas iyo faraskii lagu gawaan raaci lahaa.

Gabar bilic san oo qoys aan xanu gelin ka dhalatay waxa ay ahayd tan raggu ku loolamo oo hadba midkii xoolo badan bixiya ayey xigsataa gabadhu. Hase yeeshee waayadaan danbe waa ay yaradeen gabdhaha laga bixiyaa geela. Waxaa si tartiib tartiib ah isu beddelaya dhaqankii hore. Dadkii waxay u bateen dhanka magaalooyinka iyada oo la nacay dhibtii badneyd iyo dhaqiddii xoolaha. Geelii gabdhaha laga bixin jiray waxaa beddelay jawaan lacag ah oo loo qeybiyo ragga gogosha soo galay iyo dahab gabadha luqunta loo suro oo iyada u gooni ah. Marka aad u fiirsato waxaad dareemeysaa in hada gabar marka laguursado ay xoolo heleyso in ka badan inta ay reerku helaan halka gabdhihii hore aysan xoolo heli jirin oo reerka oo kaliya ay qaadan jireen wixii xoolo laga dhiibo gabadhooda.

Waxaa jira sheekooyin dhowr ah oo laga weriyay dadka geela aadka u jecel. Abwaan Cabdi Gahayr oo ahaa gabyaa ku caan baxay ammaanta geela waxaa laga haayaa in uu maanso ku yiri "Idinbacasa awrkey dhashiyo aarankey wadatay, asaxaabihii horaba wey ku intifaaceene, aakhiro nimaan geel lahayn lama amaaneyn e!" Soomaalidu waa dad geela aad u jecel wuxuu ugu fadhiyaa qiimo weyn.

Guud ahaan guurku waa midka uu gacal dhexyaalo gabar iyo wiil is calmaday oo geel iyo gaafba wixii ay ku heshiiyaan ula taga qoysaskooda. Dhaqanka iyo wanaagga gabadha maahan mid xoolo ku xiran. Qaar baa la xambaaray oo guri loo geliyay nin aysan weligood gelin la haasaawin. Qaar baa la isa siiyay oo ay gacal iyo xigaalaba is ku dhaqaan. Qaar baa boqol baarmadow subax laga dhiibay oo beryo isla joogay.

Muhiimadu maahan wixii xoolo laga bixiyay gabar ay dhaleen hooyo iyo aabe, waxaase sharaf, dhaqan iyo diin ah in la dhiso qoys Islaam ah lana badiyo ummadda nabi Muxamad ﷺ. Gabar baa laga hayaa "hadaan xoola tiro midkaan xigsaday oo xooluhuu lahaa geliyo xero adoogey, maxaa xaal ah beri baan dhali xigsin kanoo kale'e"

Islaamka dhaxdiisa guurku maahan mid la kala gato ama xoolo iyo xero laga buuxsado. Waa sunnada nabi Muxamad ﷺ iyo barbaarinta caalamka islaamka. Diinta Islaamku waxay aad u dhiirigelisaa in la qafiifiyo shuruudaha guurka oo aan laga dhigin kuwa adag. Dunidaan miyaa bullaali lahayd hadii uu guursado kaliya ninka xoola heysta mise dadka ayaa sidaan u badan lahaa?!

Gabdhihii gashaantida ahaa waayadaan danbe waxay u bateen dhanka lacagta! Waa sababta ay gabdha badan oo wiil facooda ah heli lahaa ay maanta u hoos jiifaan aw bidaar abuu bidaar heysta! Wiilashii yaryaraana ay u raadinayaan habar sannado ka hor odaygeedii qurbaha ku buubisay oo kawada Afrika dhuuxana uu u shubo!

Waxaad moodaa meeshaas in la kala baahi beelay oo odaygii uu helay gabar lacag rabta, habartiina ay heshay wiil lacag raba marka laga reebo in yar oo is iimaansatay. Waxaan leeyahay da'yarta "is iimaansada oo tacbada xoolo oo ka xorooba xoolo ku jiro xilo awoowgiin"

Tuuryare
dalbille98@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Labadii cadow ee wadada; Soomaaliya dhaxdeeda xuduudo ka daran!!

KUFSIGA

Gurmad Aan Dhaafin Gacmaha Qandaraas Layaasha.