Ikraan Tahliil cadaalad ayeey u baahantahay.
War bixin kooban oo uu xildhibaan Mahad Salaad soo dhigay bartiisa FACEBOOK ayaa bidhaamineysa tacadiyada uu Fahad Yaasiin ka geysanayo hay'ayda NISA. Waxay u dhaceysaa warbixintu sida tan.
"Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey! Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!
Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda! Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan.
Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah! - Hon. Mahad Salad. https://www.facebook.com/140939889393555/posts/2041967719290753/
Warbixintaan waxaa nala wadaagay Xildhibaan Mahad Salaad. Ninka Al-shabaab ka ah ee hay'ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka madaxda looga dhigay "Fahad Yaasiin" waxaa gacantiisa ku maqan saraakiil fara badan oo door firfircoon ku lahayd hay'ada NISA. Fahad waa in cadaalada la hor keenaa laguna qaadaa danbiyada qaarijirnta ah oo uu kula kacay saraakiil muhiim ah.
Ikraan Tahliil iyo dhibanayaasha la midka ah waxay u baahan yihiin cadaalad. Saraakiil muhiim ah oo ah indhihii wadankaan ah ayaa ku maqan gacanya Fahad Yaasiin, oo ah nin Al-shabaab ah oo hay'ada sirdoonka qaranka Soomaaliyeed xaaraan ku heysta.
Tuuryare
Faaladaan waan daabacay
22/7/2021
Comments
Post a Comment