Posts

Guursame Ma Geelbaa?

Image
Tuuryare Dunidaan aynu ku nool nahay ummadaha Muslimka ahi waa ay tarmaan iyaga oo u maraya guur iyo nikaax xalaal ah oo uu Alle baneeyay. Guurku waa tiirka koowaad ee uu qoys Islaam ahi ka billowdo. Asal ahaan Soomaalidu waa ummad u guri fariista gabdhaha iyaga oo ka bixinaya xoolo yardo iyo gabbaati ugu filan hadba gashaantida ay doonayaan. Xoolaha gabar laga bixiyaa waa ay ka la duwanyihiin waxaase ugu muhiimsan markaa geela, gammaanka, iyo qoriga! Geelu waa midka ugu qaalisan duunyada soofta oo ay Soomaalidu dhaqato. Gammaankana Soomaalidii hore waxa ay u adeegsan jireen gaadiid iyo xarrago ahaan wuxa uuna in muddo ah ahaa midka ugu dheereeya gaadiidkii ay ku sadcaali jireen. Soomaalidu geela waa ay kala dhici jirtay haddii nin tolka ah laga dhacana waa ay la soo dhicin jireen, nimaan wiilal gaashaan qaadyo ah dhalin oo aan qori beerlaab ah heysan waxba uma aysan jirin dharaar cad in xeradiisa la mariyo sidaasna uu ku ceyrtoobo, sidaas darteed ayuu muhiim u noqday qorigu oo markii ...

Labadii cadow ee wadada; Soomaaliya dhaxdeeda xuduudo ka daran!!

Image
Subax jimca ah 7 dii Aug 2020 waxaan u amba baxay safar shaqo oo ku wajahnaa bartama Soomaaliya. In kastoo aan safar ahay hadana waxaan masuul ka ahaa gaari xamuul ah oo ah kan loo garan ogyahay TM-ka. Wuxuu u raran yahay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, Galguduud. Waxaan badeeco u wadnaa dad reer Miyi ah oo wax ay heystaan aysan jirin haba yaraatee oo dhaqaale ah. Darawalka gaariga ayaan ku balanay in uu dhaqaajiyo gaariga subaxda hore ee Jimcaha marka ay saacadu tahay 6:00am. Sida balanku ahaa subixii hore ayaan dhaqaaqnay. Laanta suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa iga qaadatay lacag dhan $4 oo u dhiganta 100 Sh.so ah. waxaan afka saarnay wado sodonkii sano ee la soo dhaafay aan god laga duugin in god laga qodo maahane. Dhib uma arko waxaan wataa gaari loogu tala galay in uu buuraha ka talaabo. Galgalato meel ka sukeysa ayaa waxaa leygu yiri waxaa lagaa rabaa 200 Sh.so ah oo u dhiganta $8. Waan ogaa in ay isbaaro tahay! isma dhibin waan iska dhiibay. Waan dh...

KUFSIGA

Image
  Umadaha dunidaan ku nool waxaan marnaba laga taftiri karin in ay danbi iyo fal danbiyeedyo sameeyaan. Faldanbiyeed nuuc kasta oo uu ahaadana wuxuu leeyahay ciqaab iyo shuruuc adag oo jawaab looga dhigo si aysan dadku ugu dhiiran hadii xitaa balan qaad maaliyadeed loo sameeyo inta noloshooda ka dhiman. Kufsiga lagula kaco haweenka maahan mid ugub ah oo waa dhibaato soo taagneed qarniyo. Soomaalida dowlad la'aanta ahayd sanado badan wilina aan heyn dawlad ilaalisa xuquuqda uu leeyahay muwaadin lagula kacay faldanbiyeed nuuc kasta ha ahaadee waxaa ka yaala xeer iyo xugun wax la yiraahdo oo ay dejiyeen xeer beegti. Xeer beegtidu waa rag odayaal ah oo ka soo kala jeeda labada qolo oo ay gartu u dhexeyso, ku waa oo bedelay nidaamkii max kamadaha; marka ay arin danbi ah dhacdo Soomaaliya isla markiiba max kamad lama aado ee waxaa la raadiyaa odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada qolo si ay garta ugu xaliyaan xeer iyo xugun wixii dhax yaalay labada qolo, waa nidaam qalafsan oo hor i...

Ikraan Tahliil cadaalad ayeey u baahantahay.

Image
  War bixin kooban oo uu xildhibaan Mahad Salaad soo dhigay bartiisa FACEBOOK ayaa bidhaamineysa tacadiyada uu Fahad Yaasiin ka geysanayo hay'ayda NISA. Waxay u dhaceysaa warbixintu sida tan.   "Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey! Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo! Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan ...

Gurmad Aan Dhaafin Gacmaha Qandaraas Layaasha.

Image
Sawirku waa humaag hore oo laga qaaday nin xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah oo ay abaaru saameysay. Deeqaha Gurmadka ah Ee Dadka Abaarahu Saameeyeen Loogu Tala Galay Magaca Waa Ka Gargaar Bini'aadanimo, Ficilkase Waa Ka Jiifka Hoteelada Qandaraaslayaasha Iyo Nolol Maal Meedka Inta Gacanta Kulajirta.  Xili roobaadka hada lagu jiro ee Dayrta wuu ka soo taahay xiligii la rabay inuu bolowdo wilina gobalada qaar tiix kuma dhihin halka uu meelaha qaar raadka mariyay roobka Deyrtu. Gugii hore Roobku wuxuu ahaa luuf luuf ama roob yari ayaa ka jirtay guud ahaan wadanka, sidaas oo ay tahay Ayax ayaa usii dheeraa oo wixii soo baxay xaalufiyay. Sanadkaan Deyrtii oo soo daahday durba xoolihii waxaa ay bilaabeen in ay duuqaan halka qaar ayba dhinteen, jiilaalka oo ku dheeraaday owgeeda dadkiina wuxuu bilaabay gurmad kii qeyla dhaanta. Abaartii 2011 ee u danbeysay abaaraha dalkeena soomaray dadkii reer Miyiga ahaa waa ku xoolalo beeleen magaalooyinka ayeeyna u soo habaabeen oo ay wili qaxooti ku yi...